TAARIIKHDA
URURKA
Argagax joogta ah ayaa soomaaliya hoy ka
dhigtay Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa ka so barakacay dhulkoodii
hooyo. Soogalootiga qaxootiga gobolka Ohio wuxuu bilaawday
bartamihii 1990' meeyadee.
Sanadkii 2000 ayaa koox haween somaaliyeed
ahi isu tageen si ay u asaasaan Ururka Haweenka Soomaaliyeed.
Ujeedada Ururku waa in la xoojiyo lana diyaariyo qoysaska qoxootiga
ah maadaama ay u gudbayaan ku noolanshaha dhaqan ka duwan koodii,
iyagoo isla mar ahaantaana ilaalinaya koodii.
Mudadii uu Ururku shaqeynayey waxaa la
qaaday talaabooyin lagu horumarinayo sidii wax looga qaban lahaa
baahida bulshada qaxootiga ah.
Taareegada iyo wadashaqeynta qaar badan oo
ururada ka mid ah ururada waa mid aad loogu farxo looguna
mahad-celiyo.
Waxaanu wadaynaa raadinta iskaashi ama wax wadagabsi ku saabsan
howshaan muhiimka ah.
ADEEGGA URURKA QABTO
- Turjubaannimo
- Fasiraad ama turjubaanida qoraalada.
- Tababaro luqada ingriisiga.
- Howlaha dadka waayeelka ah.
- Barashada harqaanka
- Baaritaanka uurka oo lacag la'aan ah
- Talo siin (personal consultation)
- Howlaha baraarujinta bulshada
- Barnaamijyada dugsiga ka dib
- Balaaarinta barnaamijyada caruurta ee
xilliga kuleylaha
- U gudbin adeegyo caafimaad
- Talo-siin xagga ganacsiga
- Caawin xagga gaadiidka ah
- Caawin xagga howlaha nolol maalmeedka la
xiriira iyo kalkaalin caafimaad ee dadka silicdilyadu ku soogaartay
dagaalada sokeeye. (Victims of Torture)
RAJOOYINKA URURKA EE MUSTAQBALKA...
BARNAAMIJYADA CUSUB EE LA RAYNAYO
- Diyaarinta shahaadada dugsiga sare (GED)
- Fasallo luqada ingriiska
- Fasallo ku saabsan dhalmada
- Balaarinta barnaamijyada dhalinyarada ee
summer0ka
- Waxbarasho ku saabsan arrimaha
caafimaadka qoska
- Tababbarda haynta ilmaha (childcare
provider training)